
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa warbixin ka soo saartay guulaha uu gaaray barnaamijka “Rajo Kaaba”, oo ah mashruuc waxbarasho oo si gaar ah loogu talagalay gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.
Barnaamijka “Rajo Kaaba” ayaa markii hore ahaa barnaamij laba sano ah oo heer diploma ah, kaas oo diiradda lagu saarayay barashada xirfadaha macallinnimada, caafimaadka iyo xirfado kale oo muhiim u ah bulshada.
Hase yeeshee, Wasaaradda Waxbarashada ayaa markii dambe sare u qaaday heerka barnaamijka, si ka-faa’iideystayaashu ay u helaan shahaado jaamacadeed oo buuxda oo heer Bachelor ah.
Barnaamijkan ayaa hadda laga hirgeliyaa 25 jaamacadood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, waxaana ilaa hadda ka faa’iidaystay ku dhowaad 3,000 gabdhood iyo haween dhallinyaro ah.
Si aqoonta iyo xirfadaha ay haweenku heleen ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah, waxaa sidoo kale muhiim noqotay in la kobciyo awooddooda hoggaamineed. Arrintaas ayaa keentay in la sameeyo barnaamij heer Master’s ah, kaas oo ay iska kaashanayaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU) iyo Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya.
Barnaamijka Master-ka ayaa waxaa loo diiwaangeliyay 250 haween ah, kuwaas oo laga soo xulay gobollo iyo deegaano kala duwan oo dalka ah.Dhammaan barnaamijyada “Rajo Kaaba” waxaa ka faa’iidaysta musharrixiin lagu soo xulo tartan iyo baaritaan adag oo ka kooban marxalado kala duwan.
Tusaale ahaan, barnaamijka Master-ka waxaa codsaday ku dhowaad 2,200 gabdhood, halka 250 keliya lagu guuleystay in la doorto.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in ujeeddada ugu weyn ee barnaamijku tahay in gabdhaha Soomaaliyeed loo abuuro fursado waxbarasho, xirfadeed iyo hoggaamineed, si ay mustaqbalka ugaalin muuqata uga qaataan hoggaanka iyo maamulka dalka.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in sannadihii u dambeeyay uu jiro horumar la taaban karo oo laga sameeyay waxbarashada gabdhaha, iyadoo ay kordheen tirada gabdhaha dugsiyada dhigta, haweenka jaamacadaha gala, kuwa ka qalin-jabiya waxbarashada iyo kuwa bartay xirfado kala duwan.
Dhanka kale, waxaa la shaaciyay barnaamij cusub oo loogu magac daray “Hoggaanka iyo Tababarka Haweenka”, kaas oo la filayo in dhawaan la bilaabo, waxaana lagu tababari doonaa illaa 2,000 haween ah oo ka kala imanaya dhinacyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo hoggaanka gacan ka geystay hirgelinta barnaamijka “Rajo Kaaba”, iyo sidoo kale jaamacadaha ka qeyb qaatay fulintiisa, gaar ahaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Kenyatta.
Barnaamijka “Rajo Kaaba” ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo fursadaha waxbarasho, xirfadeed iyo hoggaamineed ee gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.
Halkan hoose kadaawo fariinta wasiirka waxbarashada Mudane Faarax sheekh Cabduqaadir
https://x.com/Warsannews/status/2091943200655098074
Warsan Radio – Codka Shacabka
