Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Birmadka KG ee ku sugan furimaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Hoggaamiyaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashada u kuurgalay xaaladda ciidamada, howlaha ay hayaan iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.
Waxa uu sidoo kale ciidamada ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee furimaha iyo howlaha socda ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka.
Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey guusha iyo geesinimada ay muujiyeen, gaar ahaan iska caabintii ay kala hortageen weerarkii Khawaarijta ay maalmo ka hor kusoo qaadeen magaalada Baydhabo.
Hogaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed, isagoo ku ammaanay geesinimada, dulqaadka iyo dadaalka ay ku bixinayaan difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin laf-dhabarta amniga iyo xasilloonida, isla markaana Dowladda Koonfur Galbeed ay muhiimad gaar ah siinayso tayeynta iyo taageerada ciidamada ku sugan furimaha dagaalka iyo goobaha muhiimka ah ee amniga.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan howsha adag ee ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay garab taagan yihiin ciidamada difaacaya dalkooda, dadkooda iyo dowladnimada.
Booqashada Hoggaamiyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka.




