Taliyaha Ciidanka Booliiska Birmadka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, G/le Sare Maxamed Xasan Aadan (Sandheere), ayaa isbeddel hoggaamineed ku sameeyay Qeybta Booliiska Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaashaanle Dhexe Xuseen Bargele Maxamed, oo ahaa Taliyihii Qeybta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xilka laga qaaday.
Waxaa xilka Taliyaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Shabeellaha Hoose loo magacaabay G/le Cabdiweli Maxamed Ibraahim.

Isbeddelkan hoggaamineed ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay xoojinta hoggaanka Booliiska, horumarinta hufnaanta shaqada iyo dardargelinta gudashada waajibaadka amni ee gobolka.
Taliska Booliiska Birmadka DKGS ayaa Taliyaha cusub u rajeeyay inuu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga iyo adeegga bulshada ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegtada magacaawista hoos ka aqriso

