
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Jiidow, ayaa soo xiray munaasabadda lagu shaaciyay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026.
Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, maamulka Gobolka Baay, Guddoomiyaha magaalada Baydhabo iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada koonfur galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed, Maxamed Xaaji Cismaan Jiidow, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda hambalyo u diray dhammaan ardaydii ku guuleysatay inay ka gudbaan imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar waxbarasho.
Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirtay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhehe, iyadoo si gaar ah loo bogaadiyay 10-ka arday ee ugu sarreeya natiijada imtixaanka.
Mas’uuliyiintii kale ee ka qeyb gashay munaasabadda ayaa iyaguna hambalyo u diray ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada iyo mustaqbalka jiilka cusub.
Munaasabadda lagu soo bandhigay natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ayaa ugu dambeyn kusoo dhammaatay jawi deggen iyo farxad, iyadoo ardayda guuleysatay lagu dhiirrigeliyay inay sii wataan dadaalka waxbarasho.
HOOS KA EEG ARDADA 10-KA KAALIN UGU HOREYSA GASHAY














Warsan Radio – Codka Shacabka
inaad ogaato natiijada raac linkiga hoose
Link-gan hoose ka fiirso Natiijadaada Imtixaanka Fadakq 8aad ee Dowladda Koonfur Galbeed.
https://southwest.exams.so/