Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeeyay tababar socday muddo afar maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay doorka saxafiyiinta ee dhismaha nabadda iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.
Tababarka ayaa lagu qabtay caasimadda Muqdisho, waxaana lagu fuliyay hindisaha istiraatiijiga ah ee “Peace Journalists”, oo ay soo qabanqaabisay Isbahaysiga Milatariga ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC).
Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo awoodda iyo aqoonta saxafiyiinta, si ay warbaahintu ugaalin uga qaadato nabadda, xasilloonida bulshada, wacyigelinta shacabka iyo ka hortagga faafitaanka fikirrada xagjirka ah.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa munaasabadda xiritaanka ka hadlay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta Soomaaliyeed ay noqoto mid si masuuliyad leh uga qaybqaadata nabadeynta dalka, iyadoo adeegsanaysa warbixin sax ah, dhexdhexaad ah iyo wacyigelin wax dhisaysa.
Tababarka ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada, gaar ahaan dhinaca wacyigelinta iyo doorka warbaahinta.
Afarta maalmood ee tababarka “Peace Journalists” ayaa kusoo dhammaaday iyadoo la xoojinayo fahamka saxafiyiinta ee sida warbaahintu ugaalin uga qaadan karto dhismaha nabad waarta iyo bulsho ka hortagta fikirrada xagjirka ah.



