
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa beeniyay eedeymo sheegaya in isaga iyo ciidamada taabacsan ay xiriir ama iskaashi la leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab wareysi kabaxay barta youtubeka BBC News Somali.
Ciidamo ka amar qaata Laftagareen ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan nawaaxiga magaalada Baydhabo, taas oo dhalisay tuhunno iyo eedeymo la xiriira inay iskaashi la sameeyeen Al-Shabaab oo ka howlgala bannaanada magaalada.
Ciidamada ka soo horjeeda isbeddelka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ay ka hirgelisay Baydhabo ayaa 17-kii Agoosto weerar ku qaaday magaalada.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay ku lug lahaayeen weerarka, ayna taageereen ciidamada weerarka soo qaaday. Eedeyntaas ayaa Laftagareen si cad u diiday.
Laftagareen oo wareysi siiyay BBC, ayaa markii la weydiiyay in isaga iyo ciidamadiisu xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ku jawaabay:
“Maya.”
Waxa uu sheegay in eedeymahaasi yihiin “been, borobagaando iyo hadal aan sal iyo raad lahayn”, isagoo intaas ku daray in dagaalka iyo arrimaha amniga loo adeegsanayo si siyaasadeed.
Laftagareen ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii 17-kii Agoosto lagu qaaday Baydhabo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu sheegay in la yaqaanay saraakiishooda iyo askartooda.
“Baydhabo waa hal magaalo. Shabaab iskooda ayay u weerari karaan, laakiin maalintaas, Isniintii 17-kii Agoosto, waxa magaalada Baydhabo soo weeraray way caddahay. Dukumentiyadii baa la hayaa, waana duuban yihiin. Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed bay ahaayeen oo la yaqaanay, saraakiishoodii iyo askartoodiina waa la yaqaanay,” ayuu yiri Laftagareen.
Waxa uu intaas ku daray in ciidamadaasi ay muddo sannado ah ka howlgaleen difaaca Baydhabo, isla markaana ay hore uga qeyb qaateen dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Askartii la tababaray ee siddeed sano Shabaab ka waardiyeynayay Baydhabo ayay ahaayeen. Shalay raggii Burjeed iyo Deynuunaay difaaca uga jiray ayay ahaayeen, Shabaabna ku celinayay oo kula dagaallamayay,” ayuu yiri.
Laftagareen ayaa sidoo kale sheegay inuusan jirin sabab ay ciidamadaas iyo Al-Shabaab maanta isku dhinac uga wada dagaallamaan, isagoo gebi ahaanba diiday eedeymaha ah in uu jiro xiriir ama iskaashi u dhexeeya labada dhinac.
Dhanka kale, Laftagareen ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, isagoo aan aqoonsanayn Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo 10-kii June loo doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Warsan Radio