Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiirka Difaaca Qatar ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay la-dagaallanka argagixisada ka gudubta xuduudaha, iyadoo la isla qaatay baahida loo qabo iskaashi iyo isku-duwid dheeraad ah oo dhex marta dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo difaaca dalka, isla markaana ay muhiimad gaar ah siinayso iskaashiga ay la leedahay waddamada saaxiibka ah.
Kulanka Dooxa wuxuu sidoo kale muujinayaa sii socoshada xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka.




