Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Ibraahim Maxamed Nuur (Kalay), ayaa magacaabay Agaasimaha Waaxda Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.
Sida ku cad qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, kuna taariikhaysan 31-ka Agoosto 2026, ayaa xilka Agaasimaha Waaxda Isbeddelka Cimilada loo magacaabay Ms. Ayaan Mustaf Ali.
Magacaabistan ayaa lagu saleeyay qodobbada 18-aad, 19-aad iyo 20-aad ee Xeer Lr. 10/2017, kaas oo ah Sharciga Dowladaha Hoose ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamaya in magacaabista ay qayb ka tahay dadaallada Dowladda Hoose ee Baydhabo ku doonayso in lagu xoojiyo maamulka, qorsheynta iyo wax-ka-qabashada arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada.
Agaasimaha cusub ayaa xilka kala wareegaysa mas’uuliyaddii loo igmaday, iyadoo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo uu sheegay in magacaabistu ay waafaqsan tahay baahida maamulka iyo qaab-dhismeedka Dowladda Hoose.

Warsan Radio — Baydhabo

