Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Belgrade ee dalka Serbia kula yeeshay kulamo laba geesood ah Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, iyo Madaxweynaha Ghana, John Dramani Mahama iyo madaxkale.
Kulamada ayaa ka dhacay dhinacyada Shirweynaha Heerka Sare ee lagu xusayay 65-guuradii Shirkii Koowaad ee Madaxda Dowladaha ama Dowladaha aan Isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement) oo ka socda magaalada Belgrade.
Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Serbia.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Ghana, ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay labada dal danaha ka leeyihiin iyo horumarinta ajendayaasha wadajirka ah ee la xiriira nabadda, horumarka iyo barwaaqada qaaradda Afrika.
Kulamadan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay sii xoojinayso xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika iyo kuwa kale ee caalamka, iyadoo sidoo kale ka qaybgalka Soomaaliya ee madasha Non-Aligned Movement uu fursad u yahay in dalka uu ku soo bandhigo aragtidiisa ku aaddan nabadda, amniga iyo horumarka.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo Belgrade kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Azerbaijan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Belgrade ee Serbia kulan kula yeeshay Marwo Sahiba Gafarova, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Azerbaijan, Milli Majlis.
Kulanka ayaa ka dhacay dhinacyada Shir Madaxeedka 65-aad ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (#NAM65), waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Sahiba Gafarova ayaa sidoo kale diiradda saaray muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed iyo xiriirka baarlamaannada labada dal.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo xiriir-dhis ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka wado magaalada Belgrade, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda lagu xusayo 65 sano guuradii Shirkii ugu horreeyay ee Madaxda Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn. 🇸🇴🤝🇦🇿







