
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa magaalada Doxa ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo saldhig u noqonaya dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya (TUS University).
Heshiiska ayaa dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doxa ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST), iyadoo jaamacadda Qatar ay Soomaaliya ka taageeri doonto hirgelinta mashruuca cusub.
Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya ayaa bixin doonta waxbarasho farsamo iyo mid xirfadeed oo tayo sare leh. Jaamacadda UDST ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonta diyaarinta manhajka, tayeynta macallimiinta, hubinta tayada iyo nidaamka shahaadaynta.
Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa diiradda lagu saari doonaa takhasusyo ay ka mid yihiin tiknoolajiyada, cilmiga badaha, duulista, batroolka, injineernimada, tamarta iyo maaraynta caafimaadka.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana soo saaro xirfadlayaal dabooli kara baahiyaha sii kordhaya ee suuqa shaqada.
Heshiiska ayaa qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, kaas oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yahay suuqa shaqada. Waxaa sidoo kale mudnaan la siin doonaa tababbarka macallimiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo mustaqbalka noqon doona maamulka iyo xoogga tacliin-bixinta ee jaamacadda cusub.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Qatar taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.
Munaasabadda saxiixa heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday Jaamacadda UDST.

