Xuddur, Bakool – Maamulka Gobolka Bakool iyo Maamulka Degmada Xuddur ayaa kulan is-xogwareysi ah la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee ka howlgala Gobolka Bakool, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya degmada Xuddur.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-xirka maamulka iyo hay’adaha, iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay baahiyaha bulshada, caqabadaha jira iyo mudnaanta adeegyada, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqeynta, is-dhaafsiga xogta iyo isku-duwidda howlaha si loo kordhiyo saameynta mashaariicda loogu adeegayo shacabka Gobolka Bakool.
Kulankan ayaa noqonaya fursad lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya maamulka iyo hay’adaha, si wax looga qabto baahiyaha bulshada loona dardargeliyo howlaha horumarineed ee degmada Xuddur iyo guud ahaan Gobolka Bakool.




