
Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha, oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ku howlan arrimaha amniga dalka.
Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta xaaladda amniga gudaha, isku-dubbaridka hay’adaha amniga iyo dejinta qorsheyaal lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Masuuliyiinta ka qeybgalaysa shirka ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda, kor loogu qaadi lahaa awoodda ciidamada Soomaaliyeed, loona dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya si buuxda ula wareegto masuuliyadda amnigeeda.
Shirweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha hay’adaha amniga, tayeynta ciidamada iyo xoojinta qorshaha amniga qaranka, iyadoo la doonayo in laga gaaro aragti mideysan oo ku aaddan mustaqbalka amniga Soomaaliya.
