
Adeegyada lacagaha mobilada ee EVC Plus iyo WAAFI ayaa maanta la kulmay cilad, taas oo saameysay adeegyada lacag-dirista iyo lacag-bixinta.
Isticmaalayaal ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa soo sheegaya in adeegyada aysan si caadi ah u shaqeyn, gaar ahaan marka ay isku dayayaan inay lacag diraan ama helaan.
Ciladdan ayaa sidoo kale saameysay ganacsatada iyo dadka ku tiirsan adeegyada lacagaha mobilada ee maalinlaha ah.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo si cad uga soo baxay Hormuud Telecom ama WAAFI oo lagu faahfaahinayo sababta ciladda iyo muddada ay qaadanayso in adeegyada dib loogu soo celiyo.
Warbaahinta Warsan waxay isku dayeysaa inay hesho faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda, waxaana la idinla wadaagi doonaa wixii kasoo kordha.
📻 Warsan Radio – Codka Shacabka
Fiiro gaar ah: WAAFI waa adeeg lacagaha mobilada iyo adeegyo kale oo ay bixiso Salaam African Bank.

