Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada, guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaray howlgalada amniga, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga labada dal.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyey garab-istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay u muujiso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo hay’adaha amniga, isla markaana lagu dardar-gelinayo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.




