Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ustaad Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow), ayaa ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo soo bandhigay faahfaahin ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo sida ay ciidamada ammaanku uga jawaabeen weerarka.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarka, isla markaana xaaladda magaalada ay ciidamada ammaanka gacanta ku hayaan.
Wuxuu sidoo kale shacabka Baydhabo ugu baaqay inay is-dajiyaan, kana fogaadaan goobaha uu dagaalku ka socdo, isagoo xusay in dowladda ay qaadeyso tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada shacabka.
Maxamed Sheekh Cabdullaahi Xaayow ayaa dhawaan loo magacaabay Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed, isagoo xilka kala wareegay mas’uuliyaddii gudbinta wararka iyo mowqifka rasmiga ah ee maamulka.
Hoos ka daawo hadalka afhayeenka

