Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo uu kamid yahay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Nuur Siidow Baba, ayaa booqday Xerada Guutada 9-aad ee Boonkaay, kadib weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saaka lagu qaaday xerada.
Weerarka qaraxa ah ayaa waxaa xigay dagaal xooggan oo ka dhacay nawaaxiga xerada, iyadoo ciidamada ku sugnaa goobta ay la tacaaleen kooxihii weerarka soo qaaday.
Mas’uuliyiinta booqashada tagtay ayaa kormeer ku sameeyay xaaladda xerada iyo ciidamada, iyagoo qiimeeyay xaaladda amni ee goobta iyo saameynta uu weerarku ku yeeshay xerada.
Booqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Baydhabo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo iska horimaadyo.
Wararka maanta laga helayo Baydhabo ayaa sidoo kale sheegaya in dagaallo xooggan ay ka socdaan magaalada.
Weli lama xaqiijin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxda hay’adaha amniga iyo maamulka Koonfur Galbeed.

























Warsan Radio – Baydhabo

