Baydhabo, 4 Sebtember 2026 — Golaha Nabadda, Midnimada iyo Horumarka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xaaladda amni ee magaalada.
Goluhu wuxuu sheegay in dagaalka uu sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh, isla markaana uu walaac weyn ka qabo xaaladda ka dhalatay iska horimaadka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Golaha uu si adag uga soo horjeedo wax kasta oo keeni kara dhiig-bax iyo burbur hor leh, isagoo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.
Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyay qodobbadan:
In dhinacyada isku haya maamulka iyo siyaasadda Koonfur Galbeed ay khilaafkooda ku dhammeeyaan wada-hadal.
In shacabka Baydhabo loo oggolaado inay si nabad ah ugu noolaadaan magaalada, iyadoo la ilaalinayo xasilloonida iyo badqabka bulshada.
In la joojiyo hadallada iyo ficillada sii hurinaya colaadda, lana abuuro jawi ku habboon dib-u-heshiisiin iyo wada-tashi.
In la sameeyo dadaallo lagu soo celinayo nabadda iyo amniga magaalada Baydhabo.
Golaha ayaa tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay dagaalka, isagoo Alle uga baryay kuwa geeriyooday naxariis, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah.
Ugu dambeyn, Golaha Nabadda, Midnimada iyo Horumarka Koonfur Galbeed wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta Koonfur Galbeed inay miiska wada-hadalka ku soo laabtaan, ayna ka shaqeeyaan sidii xal siyaasadeed iyo mid nabadeed loogu heli lahaa khilaafaadka jira, si looga fogaado in shacabka Soomaaliyeed ay mar kale noqdaan dhibbanayaasha colaadda.
Warsan Radio — Baydhabo


