
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalladii cuslaa ee shalay, khamiistii 3-dii September, ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda, iyadoo xaaladda magaalada ay maanta ka deggan tahay sidii shalay.
Xogta caafimaad ee ilaa hadda si madax-bannaan loo xaqiijiyay ayaa muujinaysa in Isbitaalka Gobolka Bay uu qaabilay 71 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo ay ku jireen 15 haween ah. Sidoo kale, isbitaalka ayaa diiwaangeliyay hal qof oo rayid ah oo u geeriyooday dhaawacyadii dagaalka.
Xogtan waxaa AP ka xaqiijiyay Dr. Cabdikafi Omar Mohamud, oo ah madaxa qaybta gurmadka ee Isbitaalka Gobolka Bay.
Tirada 71-ka ah waxay ka tarjumaysaa oo keliya dadka dhaawacyadooda lagu daweeyay Isbitaalka Gobolka Bay, mana aha tirada guud ee dhammaan dhaawacyada ka dhashay dagaalladii Baydhabo, maadaama dhaawacyo kale la rumeysan yahay in loo qaaday xarumo caafimaad oo kale.
Khasaaraha dhinacyada hubeysan
Dagaallada ayaa sidoo kale sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada hubeysan. Waxaa la soo wariyay in Taliye Daahir Macallin Xasan uu ku dhintay dagaalka iyo saraakiil badan oo katirsanaa ciidanka haramcad iyo kuwa maamulka koonfur galbeed, iyagoo ka tirsanaa ciidamadii ilaalada madaxtooyada koonfur galbeed iyo ilaalada gaarka ah, Sheekh Aadan Madoobe.
Warbixinno maxalli ah ayaa xaqiijinaya geeridiisa, hase yeeshee tirada guud ee askarta iyo maleeshiyaadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka weli si rasmi ah looma xaqiijin.
Dowladda Federaalka ayaa iyaduna sheegtay in ciidamadeedu ay iska caabiyeen weerarka, balse bayaanka dowladda ee dagaalka ka dib ma uusan sheegin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhinacyada dagaalamay, iyadoo ay sheegtay in qiimeyn lagu sameynayo khasaaraha.
Weerarkii Xerada Boonkaay
Dagaalka ayaa sidoo kale ka dhacay duleedka Baydhabo, gaar ahaan Xerada Guutada 9-aad ee Boonkaay, halkaas oo subaxnimadii lagu qaaday weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana qaraxa kadib xigay iska horimaad xooggan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo booqday xerada ayaa sheegay in weerarka uu sababay dagaal xooggan, balse ilaa hadda ma jiro tiro rasmi ah oo si madax-bannaan loo xaqiijiyay oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka Boonkaay.
Dhaawacyada Muqdisho loo qaaday
Ilaa hadda, lama hayo tiro rasmi ah oo si madax-bannaan loo xaqiijiyay oo ku saabsan dadka dhaawacyadoodu culus yihiin ee Baydhabo laga qaaday loona qaaday Muqdisho.
Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo laga helay isbitaallada Muqdisho oo xaqiijinaya tirada dhaawacyada Baydhabo laga keenay.
Sidaas darteed, xog kasta oo sheegaysa tiro gaar ah oo dhaawacyo Muqdisho loo qaaday ah waa in loo tixgeliyaa xog aan weli la xaqiijin, ilaa ay ka soo baxdo isbitaal, dhakhtar ama hay’ad caafimaad oo lagu kalsoonaan karo.
Xogta guud ee khasaaraha
Ilaa hadda xogta ugu cad ee la xaqiijiyay waxay tahay:-
71 qof — dhaawac lagu daweeyay Isbitaalka Gobolka Bay.
– 15 haween ah — waxay ka mid ahaayeen dadka dhaawacmay.
– 1 qof oo rayid ah — ku geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.
– Taliye Daahir Macallin Xasan — la soo wariyay inuu ku dhintay dagaalka iyo xubno kale katirsanaa ilaalada madaxtooyada iyo saraakiil kale.
– Khasaaraha guud ee ciidamada iyo maleeshiyaadka — weli lama xaqiijin.
– Dhaawacyada loo qaaday isbitaallada kale iyo Muqdisho — tiro rasmi ah weli lama hayo.
– Khasaaraha weerarkii Boonkaay iyo duqeynta diyaaradaha F16 turkigu maamulo— weli lama hayo tiro rasmi ah.
Dagaalladu waxay sababeen cabsi weyn oo soo wajahday shacabka Baydhabo, iyadoo rasaas iyo madaafiic ay saameeyeen qaybo ka mid ah magaalada, halka dadka qaar ay guryahooda ku xayirmeen.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dagaalku uu joogsaday ama uu aad hoos ugu dhacay, iyadoo ciidamada ay dib u bilaabeen roondooyinka iyo sugidda amniga.
Baydhabo ayaa sidoo kale ah xarun weyn oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof oo barakacayaal ah, kuwaas oo durba wajahaya xaalado adag oo la xiriira colaadda, abaaraha iyo adeegyada caafimaad ee xaddidan.
Si guud ahaan khasaaraha ka dhashay dagaaladii ka dhacay baydhabo iyo duleedkeeda khasaaro xoogan ka dhashay ayaa gaaraaya dhimashadu waa toboneeyo halka dhaawacanna lagu qiyaasi karo 100+ kuwaas isugu jira dhaawacyo fudud, kuwa dhexe iyo dhaawacyo culculus, xogta ay warsan radio xaqiijisay.
