Muqdisho — Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Midane Isaaq Maxamed Isaaq (Korsaar), oo beryahan magaalada muqdisho howlo shaqo u joogo ayaa booqday dhaawacyada culus ee soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada iyo dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda.
Wasiirka ayaa dhaawacyada ku booqday Cisbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyadii xaaladdoodu adkayd ee dagaalka looga soo qaaday Baydhabo.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiir Isaaq ayaa xaaladdooda caafimaad ka xogwareystay dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah, wuxuuna Alle SWT uga baryay in uu siiyo caafimaad taam ah.
Dagaallada ayaa u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan, iyadoo dhinacyada ay iska soo horjeedaan ay soo kala saareen warar kala duwan oo ku saabsan natiijada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in dowladda ay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo la-dagaallanka kooxaha ay ku tilmaantay argagixisada iyo kuwa khalkhalka ku haya amniga iyo xasilloonida.
Wasaaraddu waxay sidoo kale tacsi u dirtay ehellada ciidamada iyo dadka kale ee ku dhintay dagaallada, iyadoo Alle SWT uga baryay marxuumintii naftooda ku waayay dagaalka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, ehelladoodana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo hay’adaha amniga ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo shacabka, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanada maamulka.





