Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubno kale oo ka socday Maamulka Puntland ayaa maanta la kulmay Hogaamiyeyaasha qeybaha bulshada ee ku dhaqan Deegaanka Carmo oo ka tirsan Maamulka Puntland.
R/Wasaaraha iyo xubnihii kale ee la socday oo kormeerkoodu la xiriiray u kuurgalida xaaladda nabadgelyo tan nolol ee halkaasi, waxaa Deegaankaasi ku soo dhoweeyay Hogaamiyeyaasha bulshada oo ka warbixiyay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha jira.
Mudane Cumar C/rashiid oo maalmahaan booqashooyin ku maraya Deegaanno ka tirsan maamulka Puntlad,waxa uu saakay soo maray Deegaanka Waaciye oo la xaqiijiyay in ay ka jiraan biyo la’aan baahsan .
R/wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxa uu amar ku bixiyay in dadka ku dhaqan Deegaanka Waaciye loo sameeyo biyo dhaamin, isagoo si gaar ah u dalbaday in 20-Gaari oo ah kuwa biyo dhaaminta ay bilaabaan howlo biyo dhaamin ah