Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xalay ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu beegsaday guriga uu halkaasi ka deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Taliye Shub uu dhaawac kasoo gaaray weerarka, waxaana dhaawaciisa loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo lagu daweynayo.
Xogtan ayaa lagu sheegay inay kasoo baxday ilo ku dhow ehelka General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Warbaahinno kale oo maanta ka hadlay dhacdada ayaa xaqiijiyay in Taliye Shub uu dhaawac kasoo gaaray duqeynta, inkastoo faahfaahinta xaaladdiisa caafimaad iyo heerka dhaawaca ay wararku ku kala duwan yihiin.
Duqeynta ayaa la sheegay inay dhacday xalay abaare 11:40 habeenimo, iyadoo wararka hordhaca ahi tilmaamayaan in hal gantaal lagu weeraray hoyga General Shub. Burbur xooggan ayaa soo gaaray dhismaha, waxaana sidoo kale la soo sheegay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad kale oo goobta ku sugnaa.
Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin cidda fulisay duqeynta.
Qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda iyo maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Turkiga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida wararka la heli karo, weli si rasmi ah ugama jawaabin eedeymahaas.
Jubaland oo cambaareysay weerarka
Maamulka Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay duqeynta lagu beegsaday guriga Taliye Shub, isagoo sheegay in haddii Turkiga uu ka dambeeyay weerarka ay tahay arrin u baahan in si dhab ah loo baaro.
Jubaland waxay sidoo kale dalbatay in beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka iyo Midowga Yurub, ay baaritaan ku sameeyaan dhacdada iyo doorka Turkiga, iyadoo maamulka uu sidoo kale soo jeediyay in dib loo eego go’aankii Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka.
Dhanka kale, wararka laga helayo Doolow ayaa sheegaya in burbur xooggan uu gaaray guriga Taliye Shub, iyadoo sawirro iyo muuqaallo laga helay goobta ay muujinayaan raadadka weerarka.


