Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saldhigyo ciidan ka samaystay qaar ka mid ah duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xoojinayo amniga magaalada iyo nawaaxigeeda.
Ciidamada labada dhinac ayaa si wadajir ah uga howlgallaya goobaha ku dhow Baydhabo, waxaana la adkeeyay dhaq-dhaqaaqa iyo ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee magaalada soo gala iyo kuwa ka baxa.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Baydhabo iyo deegaannada ku dhow ay ka jireen xaalado amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kordhiyeen howlaha lagu xaqiijinayo amniga.
Deeq iyo saanad la gaarsiiyay ciidamada
Dhanka kale, ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed iyo ciidamada Haramcad ee sida wadajirka ah uga howlgala Baydhabo ayaa helay deeq isugu jirta xoolo nool oo isu jiray geel iyo Ari, raashin, dawooyin iyo agab kale oo loogu talagalay taageerada ciidamada.
Deeqdan waxaa gaarsiiyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo barakacayaasha, oo dhawaan xilka loo magacaabay.
Taageerada la gaarsiiyay ciidamada ayaa sidoo kale isugu jirtay xoolo nool, gaar ahaan geel, iyo raashin iyo dawooyin, iyadoo ujeeddadu tahay in ciidamada loo fududeeyo howlahooda amni iyo joogitaanka ay ku leeyihiin goobaha ay ka howlgalaan.
Mas’uuliyiinta gaarsiiyay deeqda ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, feejignaanta iyo ilaalinta amniga shacabka iyo magaalada Baydhabo.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay iskaashiga dhinaca amniga, iyadoo Baydhabo ay tahay xarunta maamulka Koonfur Galbeed iyo goob muhiim u ah hawlgallada amni ee gobolka Bay.

