Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya Africa Food Systems Forum 2026, oo ka socda magaalada Kigali ee dalka Rwanda, iyadoo Soomaaliya ay madasha ku metelayso arrimaha la xiriira nidaamyada cuntada, adkeysiga bulshada iyo sugidda amniga cuntada.
La-taliyaha Sare ee Dowladda Soomaaliya, Mukhtaar Cali, oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya, ayaa ka qaybgalay dood-cilmiyeed cinwaankeedu ahaa “The Critical Role of Data and Digital Information Services”, kaas oo diiradda lagu saaray muhiimadda xogta saxda ah iyo adeegyada macluumaadka dijitaalka ah ee go’aan-qaadashada iyo maaraynta musiibooyinka.
Mukhtaar Cali ayaa xusay in Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ay waddo dadaallo lagu horumarinayo nidaamyo u suurtagelinaya Dowladda Soomaaliya inay si buuxda u yeelato lahaanshaha iyo maareynta xogta la xiriirta musiibooyinka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dadaalladan lagu fulinayo iskaashi dhow oo lala yeesho hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee taageera Soomaaliya dhinacyada xogta, maaraynta musiibooyinka iyo nidaamyada dijitaalka ah.
Xogta oo laf-dhabar u ah maaraynta musiibooyinkaKa qaybgalka Soomaaliya ee dooddan ayaa muujinaya muhiimadda sii kordheysa ee xogta casriga ah, gaar ahaan xilli dalka uu wajaho xaalado bani’aadannimo iyo musiibooyin dabiici ah oo u baahan in go’aannada lagu saleeyo xog degdeg ah, sax ah oo la isku halleyn karo.
Haddii dowladda ay yeelato nidaam mideysan oo ay si toos ah ugu maamusho xogta musiibooyinka, waxaa kor u kici kara awoodda lagu saadaalinayo khataraha, lagu qorsheynayo gurmadka, laguna gaarsiinayo adeegyada bulshada meelaha ugu baahida badan.
Africa Food Systems Forum 2026 ayaa isu keentay dowladaha Afrika, hay’adaha caalamiga ah, bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo bah-wadaagta horumarinta, iyadoo looga hadlayo xalal waara oo lagu dhisayo nidaamyo cunto oo adkeysi leh iyo bulshooyin awood u leh inay ka gudbaan dhibaatooyinka.





