
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa sheegay in hawlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, hawlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan alshabab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen hub ay ku sheegeen in uu yaallay goobihii la weeraray.
Qaar ka mid ah meydadka xubnaha la sheegay in lagu dilay hawlgalka ayaa ciidamada ay sheegeen inay goobta ka heleen.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in ciidamada ay burburiyeen gabbaad ay Al-Shabaab ku dhuumaalaysanayeen intii uu socday hawlgalku.
Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay hawlgallada joogtada ah ee ciidamada dowladda ay ka wadaan dalka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, laguna xoojinayo amniga iyo xasiloonida.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ammaanay ciidamada ka qaybgalay howlgalka, iyagoo sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo nabad iyo amni waara.
Howlgalkan ayaa ku soo aadaya, maalmo kaddib markii maagaalada Baydhabo ay gudaha u galeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo ciidamo ka amarqaata madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo saacado ka dagaalamayay gudaha magaalada Baydhabo.
Tan iyo sidii uu Koonfur Galbeed u yimid Aadan Madoobe, amniga Baydhabo ayaa hoos u dhacay, iyadoo muddo dhowr jeer ah ay weeraro ku soo qaadeen xooggaga kasoo horjeeda.


