
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Cali Hosh), ayaa sheegay in ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay tiir muhiim u ah kalsoonida shacabka iyo sharciyadda dowladnimada.
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabadda lagu daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidka, oo lagu xoojinayo badbaadada shacabka xilliyada amni-darrada, howlgallada militari iyo colaadaha hubeysan.
Wasiirku wuxuu sheegay in ilaalinta nafta, karaamada iyo hantida shacabka ay tahay masuuliyad dowladeed, isagoo xusay in siyaasadda laga hirgeliyo dhammaan heerarka dowladda, ciidamada iyo deegaannada ay colaadaha ka jiraan.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in marka deegaanno laga xoreeyo kooxaha hubeysan ay muhiim tahay in si degdeg ah loo soo celiyo maamulka dowladda, adeegyada aasaasiga ah iyo kaabayaasha muhiimka ah, iyadoo fiiro gaar ah loo yeelanayo haweenka, carruurta, dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo barakacayaasha.
