
Ciidanka Booliska magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigay rag lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhac loo geysanayay guryo ku yaalla magaalada ayagoo ku hubeysnaa tooryo.
Eedeysanayaasha ayaa sida ay sheegeen ciidamada lagu qabtay xilli ay ku guda jireen falal la xiriira dhaca guryaha, waxaana boolisku sheegay in baaritaanno lagu sameynayo si loo ogaado dhacdooyinka kale ee ay ku lug lahaayeen.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka lagu helo dambiyada, iyadoo la xoojinayo howlgallada lagu sugayo amniga iyo hantida shacabka.
Ciidamada ammaanka ayaa ugu baaqay shacabka Baydhabo inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortagga falalka dhaca iyo amni-darrada.
Eedeysanayaasha ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si loo maro hannaanka sharciga ah.
