Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo ay hoggaaminaysay Faiza Axmed Cabdullaahi.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Guddiga Baarlamaanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira cadaaladda iyo garsoorka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta howlaha garsoorka iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee dhinacyada ay Wasaaraddu mas’uulka ka tahay.
Wasiir Cabdiraxiin ayaa uga mahadceliyey guddiga booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda, isagoo ku ammaanay shaqada ay u hayaan bulshada, kuna boorriyay inay sii wadaan dadaallada ku aaddan horumarinta cadaaladda iyo garsoorka.
Dhankooda, Guddoomiyaha Guddiga, Marwo Faiza Axmed Cabdullaahi, iyo xubnihii la socday ayaa uga mahadceliyey Wasiirka iyo maamulka Wasaaradda sida diirran ee loogu soo dhaweeyey, iyagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo u dhexeysa labada dhinac.














