Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo uu hoggaaminayay Safiir Maxamed Bamba M. Boba.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo OIC, iyo sidii ururku u sii xoojin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo dhinacyada kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga warbixin ka siiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay amniga, dowlad-dhiska, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo sidoo kale ka hadlay dadaallada lagu hirgelinayo doorashooyinka qof iyo cod.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, horumarinta dhaqaalaha iyo u gudbidda nidaam doorasho oo ku saleysan codka shacabka.
Dhanka kale, wada-shaqeynta Soomaaliya iyo OIC ayaa muhiim u ah helidda taageero siyaasadeed iyo mid horumarineed, gaar ahaan dadaallada dowladda ee ku aaddan xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.



