Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay dib-u-soo-noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacay xeebaha Puntland, iyadoo sheegtay in tan iyo bishii Agoosto 2026 ay kordheen weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed.
Dowladdu waxay sheegtay in weerarradaasi ay khatar ku yihiin maraakiibta iyo shaqaalahooda, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirnayn loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta gacanta ugu jira kooxaha burcad-badeedda.
Ciidamada Soomaaliya ayaa sii wada hawlgallada ka dhanka ah shabakadaha burcad-badeedda ee ka howlgala badda iyo berriga. Hawlgalkii ugu dambeeyay ee arrintan la xiriira ayaa dhacay 29-kii Agoosto, kaas oo lagu xoreeyay markabka xamuulka ee MV Lutuf, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay iska kaashadeen hawlgalkaas.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto Dowladda iskaashiga dhinaca amniga badda, ayna doonayso in la xoojiyo isku-duwidda hay’adaha amniga iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, si wax looga qabto dhibaatada burcad-badeednimada.
Waxay sidoo kale soo dhaweysay taageerada dalalka saaxiibka ah ee dhinaca amniga badda, iyadoo ku baaqday in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu ilaalinayo sharciga Soomaaliya, laguna xakameynayo kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo falalka kale ee wax u dhimaya amniga iyo xuquuqda madaxbannaanida Soomaaliya.
Ugu dambayn, Wasaaradda waxay ku baaqday in la xoojiyo heshiiska iyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka burcad-badeednimada, iyadoo sheegtay in dhammaan dhinacyada ay tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo burburin lahaa shabakadaha burcad-badeedda, loona xaqiijin lahaa in xeebaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo ammaan u ah maraakiibta iyo isu-socodka badda.



