Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa daahfurtay tababar kor loogu qaadayo aqoonta iyo awoodda shaqaalaha Wasaaradda ee ku aaddan u diyaargarowga El Niño, la socodka xaaladaha cimilada iyo biyaha, nidaamka digniinta hore, iyo tallaabooyinka hore ee looga hortagayo saameynta khataraha ee la xiriira biyaha.
Tababarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Hassan Mohamed Abdikariin, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Jeylaani Abdullahi Hajji, Waxayna carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda shaqaalaha Wasaaradda, si loo helo nidaam hufan oo lagu la socdo xaaladaha biyaha, iyo in loo Diyaar garoowe loogana Digo Dadka, abaaraha iyo dhacdooyinka El Niño.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda ee ku saabsan la socodka roobabka, heerarka iyo socodka biyaha, saadaasha xaaladaha biyaha, ururinta iyo falanqaynta xogaha, iyo adeegsiga xogahaas si loo saadaaliyo khataraha ka dhalan kara fatahaadaha, abaaraha iyo isbeddellada cimilada.




