Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay qalab kombiyuutarro iyo agab la xiriira oo loogu talagalay xoojinta Nidaamka Macluumaadka Caafimaadka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Munaasabadda wareejinta oo ka dhacday xafiiska Wasaaradda Caafimaadka ee Baydhabo, waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiru Dowlaha iyo mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Action Against Hunger (ACF) kuwaas oo si rasmi ah ugu wareejiyey qalabkan Wasaaradda.
Qalabkan ayaa qeyb ka ah taageerada Damal Caafimaad Project, waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Wasaaradda ee maareynta xogta caafimaadka, go’aan qaadashada ku saleysan xog sugan iyo tayeynta adeegyada caafimaadka.
Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Action Against Hunger taageerada ay si joogto ah ugu fidiso Wasaaradda, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bah wadaagta caafimaadka ee horumarinta nidaamka caafimaadka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed oo Kormeeray Xarunta Kaydka Daawooyinka Wasaaradda iyo Xarumaha gaarka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Wasaaradda, ayaa kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Daawooyinka ee Wasaaradda Caafimaadka.
Intii uu kormeerku socday Wasiirka ayaa warbixinno ka dhageystay shaqaalaha xarunta, isagoo wax ka weydiiyey habka loo maareeyo loo kaydiyo loona diiwaangeliyo daawooyinka iyo agabka caafimaad ee yaalla xarunta.
Wasiirka ayaa shaqaalaha ku dhiirrigeliyey dadaalka iyo masuuliyadda ay ka muujinayaan shaqadooda isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo maareynta hufan ee daawooyinka iyo agabka caafimaadka si loo hubiyo in si habboon loogu gaarsiiyo xarumaha caafimaadka iyo bulshada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee lagu xoojinayo hufnaanta maamulka tayeynta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadista nidaamka sahayda caafimaadka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.























