Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Mohamed Issack (Korsaar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen qorshayaasha lagu xoojinayo amniga, la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah nabadgelyada iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.
Wasiirka iyo Guddiga ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay xoojinta awoodda iyo tayada ciidamada amniga, iyadoo la isla eegay baahiyaha iyo caqabadaha horyaalla ciidamada, daryeelkooda iyo sidii loo heli lahaa agab iyo taageero ku filan oo u suuragelinaya inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda.
Intii uu kulanku socday, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa Wasaaradda Amniga, hay’adaha kale ee amniga iyo Golaha Wakiillada, si loo helo iskaashi joogto ah oo gacan ka geysta xoojinta amniga, xasilloonida iyo nabadgelyada shacabka.
Kulankan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo xoojinta hay’adaha amniga, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo sidii ciidamada loogu diyaarin lahaa inay si wax-ku-ool ah uga jawaabaan caqabadaha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.








