
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania, Drs. Samia Suluhu Hassan, kaddib geerida ku timid seygeeda, Hafidh Ameir Hassan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay inuu Madaxweynaha Tanzania iyo qoyskeeda la wadaagayo murugada geerida, isagoo sidoo kale tacsi u diray shacabka Tanzania.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Mudane Madaxweyne Dr. Samia Suluhu, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, geerida ku timid seygeeda, Hafidh Ameir Hassan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay garab taagan tahay qoyska marxuumka iyo shacabka Tanzania xilligan murugada ah, isagoo Alle uga baryay inuu marxuumka ku mannaysto Jannatul Firdows.
Geerida Hafidh Ameir Hassan ayaa timid xilli Madaxweynaha Tanzania iyo qoyskeedu ay ku jiraan xaalad murugo ah, iyadoo dalal iyo madax kala duwan ay tacsi u dirayaan dowladda iyo shacabka Tanzania.

