Qaahira – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa magaalada Qaahira kulamo gaar ah kula yeeshay dhiggiisa Masar iyo Suudaan, xilli uu halkaasi uga qeybgalayay Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta.
Wasiirku wuxuu kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan, Mohi El-Din Salem, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan horumarrada iyo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka, iyadoo labada wasiir ay ka wada hadleen arrimaha saameynta ku leh danaha iyo xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo xornimada siyaasadeed ee labada dal.
Soomaaliya iyo Masar ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay inay is-garab istaagaan, gaar ahaan golayaasha iyo fagaarayaasha caalamiga ah, iyo inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.
Kulamadan ayaa ka dhacay xilli magaalada Qaahira uu ka socday Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo ay ka qeybgalayaan wasiirrada arrimaha dibadda iyo wufuud ka kala socota dalalka xubnaha ka ah ururka.
Kulamada Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay la yeesheen dhiggiisa Masar iyo Suudaan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada gobolka, iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku-dubbaridka mowqifyada arrimaha khuseeya danaha Soomaaliya iyo gobolka.







