Shirka Madasha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee Qaranka 2026 ayaa shalay si rasmi ah uga furantay magaalada Muqdisho maalintii shalay, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro, xirfadlayaal warbaahineed, wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaal kale.
Madashan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa sanadkan looga hadlay mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya ee xilliga casriga ah ee dhijitaalka ah, iyadoo halku-dhigga madashu yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya Xilliga Dijitaalka.
”Intii ay madashu socotay kulankii shalay waxaa lagu qabtay afar doodood oo muhiim ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta isgaarsiinta dowladda, hufnaanta xogta, casriyeynta warbaahinta iyo doorka baraha bulshada.
Doodda Koowaad
Doodda koowaad ayaa xoogga lagu saaray xoojinta isgaarsiinta dowladda iyo fududeynta helitaanka xogta, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa warar sax ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Doodda Labaad.
Doodda labaad ayaa looga hadlay “Hufnaanta Xogta Xilliga Dijitaalka: Dhisidda Kalsoonida iyo La-dagaallanka Wararka Khaldan.
”Ka qeybgalayaasha ayaa falanqeeyay caqabadaha ka dhasha faafitaanka xogaha aan la hubin iyo wararka marin-habaabinta ah, iyo muhiimadda ay leedahay in la helo ilo xogeed lagu kalsoonaan karo.
Doodda Saddexaad
Doodda saddexaad ayaa diiradda lagu saaray casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo laga hadlay fursadaha iyo khataraha la xiriira isbeddelka dhijitaalka ah.
Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu la jaanqaaddo tiknoolajiyadda cusub, iyadoo isla markaana la ilaalinayo xirfadda saxaafadeed, anshaxa warbaahinta iyo kalsoonida shacabka.
Doodda Afaraad.
Doodda afaraad ayaa lagu qabtay cinwaanka “Dhisidda Warbaahin Waarta”, iyadoo si gaar ah looga hadlay saameynta baraha bulshada iyo dadka saameynta ku leh bulshada (Social Media Influencers).
Dooddu waxay taabatay sida baraha bulshada looga faa’iideysan karo gaarsiinta xogta bulshada, dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo gudbinta macluumaad sax ah oo xaqiiqo ku saleysan.
Ujeeddada Madasha
Madasha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee Qaranka 2026 ayaa noqotay goob ay isugu yimaadaan dowladda, warbaahinta, khubarada iyo qeybaha kale ee bulshada si looga wada tashado jihada uu qaadanayo warbaahinta Soomaaliya xilliga dijitaalka ah.
Madashan ayaa sidoo kale muhiimad u leh xoojinta xiriirka dowladda iyo warbaahinta, sare u qaadidda hufnaanta xogta iyo sidii shacabka loo siin lahaa macluumaad sax ah, la hubiyay oo lagu kalsoonaan karo.
Maalinta labaad ee Madasha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee Qaranka 2026 ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro sidii loo sii horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliyeed iyo isgaarsiinta dowladda, iyadoo laga duulayo qodobadii muhiimka ahaa ee kasoo baxay doodihii madasha.
Waxaa si gaar ah looga hadli doonaa mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya ee xilliga dijitaalka ah, fursadaha ay keeneen baraha bulshada iyo tiknoolajiyadda cusub, iyo caqabadaha ka dhalan kara isticmaalka xogaha aan la hubin.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in xoogga la saaro xoojinta kalsoonida shacabka, ilaalinta hufnaanta xogta, la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda hay’adaha warbaahinta iyo xirfadlayaasha saxaafadda.
Doodaha maanta ayaa sidoo kale fursad u noqonaya dowladda, warbaahinta, khubarada iyo daneeyayaasha kale inay isku dhaafsadaan talooyin ku saabsan sidii loo dhisi lahaa warbaahin Soomaaliyeed oo casri ah, masuul ah, madax-bannaan, isla markaana waarta.
Madasha Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee Qaranka 2026, waxaa xoogga la saari doonaa qodobada ka dhashay doodihii iyo kulamadii hore, iyadoo la filayo in diiradda la saaro:
Horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta Soomaaliya xilliga dijitaalka ah.
Xoojinta kalsoonida shacabka ee warbaahinta iyo hay’adaha dowladda.
La-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, gaar ahaan baraha bulshada.
Doorka baraha bulshada iyo dadka saameynta ku leh bulshada ee gudbinta xogta.
Sii jiritaanka iyo kobcinta warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan sidii loo heli lahaa warbaahin dhaqaale ahaan iyo xirfad ahaanba waarta.
Gunaanadka madasha, waxaa la filayaa in lagu soo bandhigo talooyin iyo qodobo wax-ku-ool ah oo ku saabsan mustaqbalka isgaarsiinta iyo warbaahinta Soomaaliya.
















Warsan Radio — Codka Shacabka

