
Ururrada bulshada rayidka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan SOSWENSA, ayaa baaq nabadeed ka soo saaray xaaladda qalalaasaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, si gaar ah magaalada Baydhabo.
Ururradu waxay ugu baaqeen dhinacyada ay khusayso xiisadda in ay muujiyaan deggenaan, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta rabshado iyo amni-darro.
SOSWENSA ayaa sidoo kale ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal, is-faham iyo hannaan nabadeed, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.
Ururrada bulshada rayidka ah ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin nabad, amni iyo jawi deggan oo u saamaxaya inay si xor ah u gutaan noloshooda iyo hawlahooda bulshada.
Waxay ugu baaqeen madaxda siyaasadda, waxgaradka, culimada, dhalinyarada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay kaalin ka qaataan dejinta xiisadda, lana ilaaliyo midnimada iyo wadajirka bulshada.
SOSWENSA waxay ku celisay baaqeeda ah in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal iyo isu-tanaasul, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo nabadda iyo danta shacabka.
HALKAN HOOSE KADAAWO:
