Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalay), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Maamulka Degmada Baydhabo iyo UNOPS, iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee hay’addu ka waddo degmada.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay hirgelinta mashaariic wax ka tari kara hagaajinta adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha degmada, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashaariicda socda lagu fuliyo qorshayaashii loogu talagalay.
Duqa Magaalada Baydhabo ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta maamulka degmada iyo hay’adaha taageera horumarka deegaanka.
Waxa uu sidoo kale UNOPS uga mahadceliyay taageerada ay ka geysato mashaariicda horumarineed ee Baydhabo.Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta mashaariicda socda iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac, si loo kordhiyo saameynta mashaariicda horumarineed ee bulshada degmada Baydhabo.





