
Xogaha hoose la helaayo ayaa sheegaya in shirkadda Hormuud Telecom ay qorsheyneyso in magaalada muqdisho laga hirgelinayo Hormuud Minara oo ka kooban 40 dabaq, kaas oo haddii qorshuhu xaqiiqo noqdo noqon kara mid ka mid ah dhismayaasha ugu dhaadheer Soomaaliya.
Xogta la helayo ayaa sheegaysa in dhismahan uu dherer ahaan dhaafi doono Dahab Tower, oo ah dhisme weyn oo hadda ka socda Muqdisho.
Dahab Tower ayaa hadda lagu diiwaangeliyey inuu leeyahay 25 dabaq, iyadoo xogaha mashruucu tilmaamayaan inuu yahay dhisme isku-dhafan oo ay ku jiraan xafiisyo, guryo, ganacsi iyo adeegyo kale. Mashruuca ayaa bilaabmay 2021, waxaana xogta la heli karo lagu qiyaasay in la dhammeystiri doono 2027.
Haddii Hormuud Minara oo 40-ka dabaq ah la xaqiijiyo lana dhameystiro, waxay tani ka dhigan tahay koror weyn oo ku yimid dhismayaasha dhaadheer ee Muqdisho, iyadoo magaalada ay si tartiib ah u yeelaneyso muuqaal casri ah oo ay ku badan yihiin dhismayaal dhaadheer.
Si kastaba, faahfaahinta rasmiga ah ee Hormuud Minara, sida goobta saxda ah, dhererka mitirrada, naqshadda, qiimaha mashruuca, shirkadda dhiseysa iyo waqtiga la bilaabayo ama la dhameystirayo, weli si cad ugama helin ilo rasmi ah oo Hormuud ah.
