
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, iyadoo ka duulaysa dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha, hoggaaminta iyo awoodda dhaqaale ee haweenka Soomaaliyeed, waxay ogeysiinaysaa haweenka Soomaaliyeed in la billaabayo Fursad Tababar oo ka tirsan Barnaamijka โRajo Kaabaโ.
Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in lagu tababaro 2,000 oo haween Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira haween ganacsato ah iyo kuwa doonaya inay bilaabaan ganacsi, iyadoo la siinayo aqoon iyo xirfado wax-ku-ool ah oo la xiriira ganacsiga, maaliyadda, tiknoolajiyadda dijitaalka ah, hal-abuurka ganacsi iyo hoggaaminta.
UJEEDDADA BARNAAMIJKA
Ujeeddadu waa in haweenka Soomaaliyeed lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha ay uga baahan yihiin dakhli-abuurista, horumarinta shaqada, billaabista iyo kobcinta ganacsiyada, iyo in la taageero adkaysigooda dhaqaale ee muddada fog.
KOXAHA TABABARKA
Ka-qaybgalayaasha waxaa loo qaybin doonaa laba kooxood:Tababarka Hoggaaminta iyo Helitaanka ShaqoTababarka Ganacsiyada Yaryar iyo Ganacsatada Soo BaxayaCasharrada waxaa loo bixin doonaa qaab isku-dhafan (fool-ka-fool iyo online), si loo gaarsiiyo haweenka ku sugan deegaanno kala duwan oo dalka ah.
Ka-qaybgalayaasha si guul leh u dhammaysta tababarka waxay heli doonaan shahaado rasmi ah, iyo fursad ay ku helaan hagid iyo la-talin (Mentorship).
SHURUUDAHA
Codsaduhu waa inay:
1. Tahay haweeney muwaadinad Soomaaliyeed ah oo haysata dukumenti aqoonsi oo ansax ah.
2. Daโdeedu u dhexayso 22 ilaa 45 sano marka ay codsiga gudbinayso.
3. Deggan tahay Dowlad-goboleed Xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Maamulka Gobolka Banaadir.
4. Diyaar u tahay inay si buuxda uga qaybqaadato muddada tababarka.
5. Muujiso danayn ku aaddan horumarinta shaqada, hoggaaminta, ganacsiga ama ka-qaybgalka bulshada.
6. Ka goโan tahay inay ku dabaqdo aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ka hesho.
7. Soo gudbiso codsi dhammaystiran iyo dukumentiyada taageeraya ee loo baahan yahay.
Haddii aad daneyneyso codsigaaga waxaad kusoo diri kartaa mareegta hoose
Fiiro .Gaar ah Mudnaan gaar ah ayaa la siin doonaa haweenka qaba baahiyaha gaarka ah.
DHAMMAAD.
Agaasinka warfaafinta iyo xiriirka Bulshada
Abdiaziz Wali
media@moe.gov.so

