
Wararka iyo xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in Apple ay sannadkan si weyn u beddeli karto habka ay u soo bandhigto iPhone-ka, iyadoo dhacdada maanta, 9-ka September 2026, lagu filayo inay diiradda saarto noocyada qaaliga ah ee iPhone 18 iyo iPhone-ka laablaaban ee shirkadda.
Inta badan faahfaahinta ku saabsan qalabkan ayaa weli ah xogo iyo saadaal aan Apple si rasmi ah u xaqiijin. iPhone 18 Pro iyo Pro MaxApple ayaa la filayaa inay soo bandhigto iPhone 18 Pro iyo iPhone 18 Pro Max, kuwaas oo la rumeysan yahay inay heli doonaan chip-ka cusub ee A20 Pro, oo lagu farsameeyo 2nm, iyo modem-ka cusub ee Apple ee C2.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Dynamic Island-ka la yareyn doono, iyadoo qaybo ka mid ah nidaamka Face ID laga yaabo in lagu dhex daro shaashadda.
iPhone 18 Pro Max-na waxaa laga yaabaa inuu helo camera leh variable aperture, taas oo markii ugu horreysay Apple ku soo kordhin karta iPhone.
Mid ka mid ah midabada sida weyn loo hadal hayo waa Dark Cherry, inkastoo xogaha kale ay soo jeedinayaan burgundy, purple iyo midabyo kale. Sidaa darteed, midabada rasmiga ah waa in la sugaa ilaa Apple ay si rasmi ah u shaaciso.
iPhone-ka laablaabanWaxa ugu weyn ee indhaha lagu hayo ayaa ah iPhone-ka laablaaban, oo warbaahinta qaarkeed ugu yeertay iPhone Ultra ama iPhone Fold.
Haddii Apple ay xaqiijiso, wuxuu noqonayaa markii ugu horreysay ee shirkaddu gasho suuqa iPhone-yada laablaaban.
Xogaha la helayo waxay tilmaamayaan shaashad gudaha ah oo qiyaastii 7.8-inch ah iyo shaashad dibadda ah oo ku dhow 5.5-inch.
Waxaa kale oo la sheegayaa inuu noqon karo mid aad u khafiif ah, halka qiimihiisa lagu qiyaasay in ka badan $2,000. Waxaa jira warar sheegaya in Apple ay Face ID uga tagi karto qalabkan sababo la xiriira khafiifnimada telefoonka, iyadoo halkiisa adeegsan karta Touch ID oo ku dhex jira badhanka dhinaca.
Arrintan, sida dhammaan faahfaahinta kale, weli ma aha xog rasmi ah. iPhone 18 iyo iPhone 18e oo dib loo dhigayoIsbeddelka kale ee weyn ayaa ah in iPhone 18-ka caadiga ah iyo iPhone 18e aysan la imaanin munaasabadda September-ka.
Wararka ayaa sheegaya in Apple ay noocyadan u riixi karto guga 2027, iyadoo laga yaabo inay markaas la socdaan iPhone Air jiilkiisa labaad. Tani waxay ka dhigan tahay in Apple ay u muuqato inay suuqa u kala qaybinayso laba xilli: telefoonnada premium-ka ah xilliga dayrta, halka noocyada ka jaban lagu soo bandhigi doono guga.
Siri iyo sirdoonka macmalka ah
Dhanka software-ka, Apple waxay sidoo kale wajahaysaa cadaadis ah inay Siri ka dhigto adeeg si dhab ah ula tartami kara caawiyeyaasha AI ee shirkadaha kale.
Wararka ayaa muddo dheer sheegayay in Apple ay adeegsan karto teknoolojiyadda Google Gemini si ay u dhisto Siri ku shaqeysa Large Language Models, iyadoo horumar weyn laga filayo 2027.
Amazon iyo maalgelinta AIDhanka kale, Amazon ayaa maanta bilowday iibinta bonds lagu qiimeeyay Pound-ka Ingiriiska, waana markii ugu horreysay ee shirkaddu sidaas samayso.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalka Amazon ay ku kala duwanaanayso ilaha ay lacagta ku soo amaahato, iyadoo kharashaadka ballaarinta kaabayaasha Artificial Intelligence (AI) ay si weyn u kordhayaan.
Amazon waxay qorsheynaysaa bonds leh muddooyin kala duwan oo ay ku jiraan 3, 6, 12 iyo 19 sano.
Tallaabadan waxay ku soo beegmaysaa xilli shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda ay si xooggan uga amaahanayaan suuqyada caalamka si ay u maalgeliso xarumaha xogta iyo kaabayaasha AI.
Warbixin Reuters ah ayaa sheegaysa in shirkadaha waaweyn ee cloud-ka ay 2026 soo saareen in ka badan $200 bilyan oo deyn ah, taas oo ka badan laba jibbaar lacagtii ay sannadkii 2025 soo saareen.
Ugu danbeyntii Sida xogaha hadda jira muujinayaan, 2026 wuxuu noqon karaa sanad Apple ay si weyn u beddesho qaabka iPhone loo soo bandhigo, iyadoo marka hore diiradda saaraysa iPhone 18 Pro, Pro Max iyo iPhone-ka laablaaban, halka iPhone 18 iyo 18e loo riixayo 2027.
Isla waqtigaas, Amazon iyo shirkadaha kale ee waaweyn ee tiknoolajiyadda ayaa muujinaya in tartanka AI uusan ku koobnayn software iyo chips oo keliya, balse uu hadda saameynayo xitaa suuqyada deynta iyo habka shirkaduhu u maalgelinayaan balaayiin doollar oo lagu dhisayo kaabayaasha AI.
@haji Warsan news senior editor.
