
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Alle ha u naxariistee Cusmaan Yuusuf Xasan (Cismaan Bullo), oo ka mid ahaa haldoorka iyo fanaaniintii waaweynaa ee kooxda dhaqanka Hobollada Waaberi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdulfitax Qaasim, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, bahda fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo ka murugooday geerida marxuumka.
Cismaan Bullo ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciyaaraha dhaqanka iyo bandhigyada Hobollada Waaberi, isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadkii soo maray marxalado kala duwan oo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in geerida Cismaan Bullo ay tahay khasaare ku yimid fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo tacsi iyo duco u dirtay dhammaan dadka uu ka geeriyooday.
Alle ha u naxariisto marxuum Cusmaan Yuusuf Xasan (Cismaan Bullo), qoyskiisa, ehelladiisa iyo dhammaan bahda fanka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo.
Aamiin.

