Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Mudane Justin Davis, Siihayihii Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, kaas oo soo gabagabeeyay waajibaadkiisii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ku bogaadiyay Davis doorkii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
“Waxaan u mahadcelinayaa Mudane Justin Davis, Siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, oo soo gabagabeeyey waajibaadkiisii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Waxaan ku bogaadinayaa doorkii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka,” ayuu yiri Guddoomiye Cabduqaadir.
Hadalkan ayaa yimid xilli magaalada Muqdisho lagu sagootinayay Justin Davis, iyadoo sidoo kale xilka Siihayaha Safaaradda Mareykanka ay la wareegayso Ruth Anne Stevens-Klitz.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdiqaadir Ducaale, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay Justin Davis, oo ahaa Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Davis adeeggiisii diblomaasiyadeed iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka.
Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaam ayaa soo dhaweeyay Ruth Anne Stevens-Klitz, oo la wareegaysa xilka Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen xiriirka muddada dheer ee Soomaaliya iyo Mareykanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga baarlamaanka.

