Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaak Maxamed Isaak (Korsaar), ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida iyo hay’adaha kala duwan ee amniga, iyo saraakiisha ciidamada nabad-ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.
Wasiir Isaak Maxamed Isaak ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ka dhexeysa ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed iyo ciidamada nabad-ilaalinta, si si wadajir ah looga hortago caqabadaha amni, loona ilaaliyo nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda hay’adaha amniga iyo kor u qaadista amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.





