
Muqdisho, Soomaaliya — Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo tallaabooyinka sharci ee ka dhanka ah falalka burcad-badeednimada iyo afduubka.
Fadhiga Aqalka Sare waxaa soo xaadiray 30 mudane, waxaana sharciga ogolaaday 29 xubnood, halka hal mudane uusan u codeyn.
Sharcigan ayaa horey u soo maray Golaha Shacabka, waxaana ansixinta maanta ee Aqalka Sare ay noqonaysaa tallaabadii ugu dambeysay ee dhinaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa hadda la filayaa in sharciga loo gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u saxiixo, kaddibna loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah, si uu u dhaqan galo.
Ansixinta sharcigan ayaa ku soo beegmaysa xilli walaac laga muujinayo dib-u-soo-noqoshada falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Puntland, halkaas oo warar hore ay tilmaamayeen in kooxo burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen ama isku dayeen inay afduubtaan maraakiib.
Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa sanadihii hore si weyn u saameysay amniga maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo ay ka dhasheen hawlgallo caalami ah oo lagu sugayo amniga maraakiibta iyo xeebaha Soomaaliya.
Dhaqan-galka sharcigan ayaa la filayaa inuu dowladda siiyo hannaan sharci oo dheeraad ah oo lagu wajaho dadka lagu helo falalka burcad-badeednimada iyo afduubka, iyadoo sidoo kale muhiim noqon doonta hirgelintiisa, awoodda hay’adaha amniga iyo iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Ansixinta sharcigan ayaa noqonaysa tallaabo cusub oo Soomaaliya ay ku xoojinayso qaab-dhismeedka sharci ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada iyo afduubka, xilli ammaanka biyaha Soomaaliya uu weli yahay arrin muhiim u ah dalka iyo isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.
Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Garsoorka Golaha Aqalka Sare ee Dalka Senator Naciimo Xasan Garweyne ayaa Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare uga warbixisay waxyaabaha ay ka badaleen sharciga La-dagaallanka burcad-badeedda iyo ka hortagga afduubka.
