Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kormeerka ayaa ku soo beegmay xilli cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor ay soo dhammaysteen tababar heer sare ah, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Guutada 21-aad ayaa horraantii bishii Agoosto tababar loogu soo xiray magaalada Manisa ee dalka Türkiye.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Madaxweynaha ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidamada, isagoo ku boorriyay inay muujiyaan anshax, isku-duubni iyo heegan joogto ah, isla markaana si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Kormeerka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladda guud ee ciidamada, xoojinta hoggaanka iyo isku-xirka howlaha, iyo horumarinta awoodda hawlgal ee Kumaandooska Gorgor.
Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, uu 6-dii Sebtembar booqday isla Taliska Qaybta 1-aad, halkaas oo uu kula hadlay ciidamada Guutada 21-aad, isagoo ku adkeeyay diyaargarowga iyo gudashada waajibaadka qaran.
Kormeerka Madaxweynaha ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Federaalka siinayso dhismaha ciidan tayo leh, tababaran oo leh awood hawlgal, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo fulinta waajibaadka qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaasi oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, isla markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambaun, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.








