Maamulka Gobolka Bakool oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka, Mudane Maxamed Axmed Maxamed, iyo Maamulka Degmada Xuddur ayaa kulan is-xogwareysi ah la qaatay wakiillada hay’adaha kala duwan ee ka howlgala Gobolka Bakool.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-xirka u dhexeeya maamulka iyo hay’adaha ka howlgala gobolka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dardargelinta adeegyada bulshada iyo horumarinta mashaariicda ka socda deegaannada Gobolka Bakool.
Maamulka Gobolka Bakool ayaa hay’adaha uga mahadceliyay taageerada iyo adeegyada ay bulshada gobolka u fidiyaan, isagoo ku boorriyay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha horumarineed iyo kuwa adeegga bulshada.
Kulankan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha iyo maamulka deegaanka, si loo hubiyo in adeegyada iyo mashaariicda la gaarsiinayo bulshada ay noqdaan kuwo si wanaagsan loo qorsheeyay oo ka jawaaba baahiyaha jira.











