Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinaca dijitaaleynta iyo tiknoolajiyadda, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta nidaamyada aqoonsiga qaranka, adeegyada maaliyadeed, ilaalinta xogta iyo dhismaha awoodda farsamo.
Iskaashigan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya oo waddo dadaallo lagu dhisayo nidaam aqoonsi qaran oo mideysan, kaas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada dowladda iyo kuwa maaliyadeed.
Soomaaliya waxay nidaamka aqoonsiga biometric-ka ah bilowday 2023, waxaana hadda aqoonsiga qaranka loo adeegsanayaa adeegyo ay ka mid yihiin bangiyada iyo safarrada gudaha.
Pakistan ayaa dhinaca kale leh khibrad ballaaran oo ku saabsan nidaamyada aqoonsiga dadweynaha, iyadoo hay’adda Pakistan ee NADRA ay horey uga qeyb qaadatay taageerada Soomaaliya ee dhismaha iyo hawlgelinta nidaamka aqoonsiga qaranka ee NIRA.
Ilaalinta xogta iyo adeegyada maaliyadeedQodobada kale ee iskaashiga waxaa ka mid ah ilaalinta xogta shakhsiga ah, horumarinta adeegyada maaliyadeed ee dijitaalka ah iyo kor u qaadista awoodda farsamo.
Horumarinta nidaamyadan ayaa Soomaaliya ka caawin karta in adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay loo sameeyo hannaan ammaan badan oo dijitaal ah, iyadoo la xoojinayo xaqiijinta aqoonsiga iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay dardar gelisay isbeddelka dijitaalka ah, iyadoo sidoo kale xoogga saareysa horumarinta nidaamyada xogta, adeegyada elektaroonigga ah iyo kobcinta xirfadaha dhijitaalka ah.
Fursad lagu xoojin karo awoodda SoomaaliyaIskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ayaa sidoo kale fursad u noqon kara in la kordhiyo tababarrada iyo aqoonta farsamo ee khubarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada aqoonsiga dijitaalka ah, amniga xogta, adeegyada maaliyadeed iyo tiknoolajiyadda casriga ah.
Haddii si wanaagsan loo hirgeliyo, iskaashigan wuxuu gacan ka geysan karaa dhismaha adeegyo dijitaal ah oo hufan, ammaan ah oo ay si fudud u heli karaan muwaadiniinta, iyadoo Soomaaliya sii xoojinaysa ka gudubka nidaamyadii hore una gudbeysa adeegyo ku dhisan tiknoolajiyadda.
TRT Afrika ayaa ku warrantay in labada dal ay ku heshiiyeen in la sii qoto-dheereeyo iskaashiga dijitaalka, gaar ahaan aqoonsiga qaranka, adeegyada maaliyadeed, ilaalinta xogta iyo horumarinta awoodda farsamo.

