Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gargaar raashin ah gaarsiisay boqolaal qoys oo nugul oo ku nool degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Gargaarkan ayaa lagu sheegay in loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta abaaraha iyo xaaladaha nololeed ee adag ee ka jira deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qoysaska ka faa’iideystay ayaa helay raashin loogu talagalay in lagu taageero baahiyahooda aasaasiga ah, xilli bulshada ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ay wajahaan duruufo la xiriira biyo iyo cunto yari.
SoDMA ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay dadaallada gurmadka iyo taageerada loo fidinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo mudnaanta la siinayo qoysaska nugul iyo dadka ay xaaladuhu si weyn u saameeyeen.
Gargaarkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo jawaabta bani’aadannimo ee lagu taageerayo bulshada ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya.





