Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiftaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in dadka tabiya ama faafiya wararka been-abuurka ah lala xisaabtami doono, isla markaana sharciga la horgeyn doono.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ugu baaqay wariyeyaasha iyo dadka isticmaala baraha bulshada inay hubiyaan saxnaanta wararka ay baahinayaan, ayna qiimeeyaan xogta iyo cidda soo gudbisay, si looga fogaado faafinta warar aan la hubin oo bulshada dhibaato u keeni kara.
“Dadka wararka been-abuurka ah tabinaya, qofkaasi waa in si toos ah loola xisaabtamo. Haddii uu gudaha dalka joogo, waa in maxkamad la saaro, sharcigana loo maro, xeer ilaalintana la marsiiyo,” ayuu yiri Wasiir Cabdiftaax Qaasim.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Warfaafintu ay ka go’an tahay in la kala saaro dadka ku shaqeeya warbaahinta, iyadoo la raacayo habraaca cusub ee warbaahinta oo uu sheegay inuu haatan horyaallo Golaha Wasiirrada.
Waxa uu xusay in la kala qeexi doono shaqooyinka iyo mas’uuliyadaha kala duwan ee dadka ku howlan baahinta xogta, sida wariyeyaasha, YouTubers-ka iyo TikTokers-ka, si loo ogaado doorka iyo mas’uuliyadda qof kasta.
Wasiirka ayaa sheegay in aan mustaqbalka la oggolaan doonin in qof kasta uu iska sameysto bog ama bar warbaahineed, kadibna uu ku baahiyo wax kasta oo uu doono, iyadoo aan loo marin habraacyada iyo shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Wasiir Cabdiftaax Qaasim ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo si khaldan u adeegsata baraha bulshada, gaar ahaan haddii isticmaalkaas uu waxyeello u geysto dadka ama bulshada.
Waxa uu intaas ku daray in aan dalka laga oggolaan doonin in aaladaha warbaahinta loo adeegsado waxyeelleynta dadka, faafinta warar been-abuur ah ama kicinta bulshada, isagoo xusay in cid kasta oo arrimahaas isku dayda lala tiigsan doono sharciga.
Qoray: Aadan Sooyaal @SONNA

