Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ilaa hadda 500 qof oo Yemeni ah ay qaxooti ahaan ku gaareen magaalada xeebta ah ee Obock, kadib markii ay ka soo gudbeen Badda Cas.
Qaar ka mid ah dadkaasi, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa la sheegay in ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Jabuuti ay ka soo badbaadiyeen doonyo badda ku xannibmay kadib markii uu shidaalku ka dhammaaday.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyas Moussa Dawaleh, ayaa ammaanay ciidamada Badda Jabuuti, Ilaalada Xeebaha iyo hay’adaha kale ee dalka, isagoo sheegay inay si wanaagsan uga qeyb qaadanayaan hawlgallada samatabixinta iyo gurmadka degdegga ah.
Qulqulka dadka Yemen ka soo baxaya ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda amni iyo bani’aadamnimo ee Yemen ay weli tahay mid adag, taas oo ku qasbaysa qaar ka mid ah dadka rayidka ah inay raadiyaan meel ammaan ah oo ka baxsan dalka.
Warsan Radio: Jabuuti oo ah meel muhiim ah oo ku taalla marinka Badda Cas ayaa muddo dheer qaabishay dad ka soo cararaya colaadaha iyo xaaladaha adag ee gobolka.
Euro News

